597 Views

Xaalada Garoonka magaalada Boosaaso oo caawa kacsan iyo Hub uruursi ka socda caawa halkaas.

Xaalada Garoonka magaalada Boosaaso oo caawa kacsan iyo Hub uruursi ka socda caawa halkaas.
____________________________________________________________________________

 

Isniin: July 11, 2022

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalkii ka dhacay  magaalada Bosaso ka dhacay una dhexeeyey ciidanka PMPF iyo ciidanka Kumaandooska Puntland ee PSF haddaba maxaa keenay iska-hor-imaadka, sababay dhimashada iyo dhaawaca?.

Taliyaha guud ee ciidanka PSF Gen. Maxamuud Cismaan Cabdullaahi ayaa wefdi u joogey oo marti u ahaa maanta ka dhoofin lahaa Garoonka Diyaaradaha ee Bosaso, haddaba Gen. Maxamuud waxa uu ciidankii la socdey ku reebay albaabka hore ee Garoonka waxaana isaga iyo martidiisi ay gudaha u galeen garoonka, nasiib darro waxay ku aadeen xaalad kacsan oo garoonka ka taagan iyada ciidamo badan la soo dhoobey oo loo keenay arrinta diyaaradda mucaawanada sidey.

Ciidanka PMPF waxay Agaasime Gen Maxamuud u diideen in uu garoonka galo, waxaana garoonka ka taagneyd muranka diyaarad la doonaayey in dib loo celiyo.

Diyaaradda la celiyey waa midda ay raaci lahaayeen wedfdiga PSF u joogey ee uu wadey Gen. Maxamuud.

Agaasime Gen. Maxamuud waxa uu dib uga soo noqdey garoonka, waxaana ciidanka PSF ay dhankooda diideen in garoonka la galo, laakiin waxaa weerar ku soo qaadey ciidanka PMPF, waxaana halkaas ka dhacay khasaaro weyn.

Ciidanka markii uu rasaas ku furay mid kamid ah ciidanka PMPF waaba isku dhex jireen,.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post