837 Views

Doorasho Maanta ka dhaceysa Magaalada Baydhabo

Doorasho Maanta ka dhaceysa Magaalada Baydhabo
____________________________________________________________________________

Talaado: November 30, 2021

Waxaa Maanta lagu wadaa in Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu qabto doorashada hal kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa qabanaya doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP193, kaas oo uu horay uga geeriyooday Alle ha u naxariistee Maxamuud Maxamed Bono.

Kursiga doorashadiisa Maanta ka dhaceyso Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku tartami doona Musharrixiinta kala ah,  Cabduqaadir Maxamed Cali (Injineer Baashi) &
Cabdullaahi Aadan Axmed (Abdullahi Black)

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ilaa iyo hadda waxaa uu doortay 10 kursi, iyada oo weli Maamulada Jubbaland, Puntland & Hir-Shabeelle aysan bilaabin doorashada Golaha Shacabka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post