489 Views

Magaakada Baydhabo Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun ku riday 15 qof

Magaakada Baydhabo  Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun ku riday 15 qof
____________________________________________________________________________

Talaado: AUGUST 23, 2022

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xabsiyo kala duwan ku xukuntay 15 qof oo lagu helay inay gaysteen fal dambiyeed kala duwan oo la xiriira argagixisada.

Dadka la xukumay ayaa iskugu jira rag yo dumar. Mid ka mid ah 15-ka qof ee la xukumay ayaa lagu xukumay 15 sano kadib markii lagu helay inuu gaysanayey weerar uu doonayey inuu u adeegsado bambo hase yeeshee ay ciidanku qabteen intii aan weerarku dhicin, sida ay maxkamaddu sheegtay.

Lix qof ayaa iyagana lagu xukumay min 10 sano, halka siddeed kale lagu xukumay min 5 sano oo xarig ah.

Siddeedda qof ee lagu xukumay min shan sano waxaa ku jira saddex dumar ah oo midkood xabsigeeda aan lagu fulinayn, hase yeeshee ay ciidamada amnigu dusha kala socon doonaan.

Go’aamadan ayaa maanta maxkamadda milatariga ah ay kaga dhowaaqday magaalada Baydhaba dhagaysi halkaasi ka dhacay.

Qareennada u doodayey dadkaasi lagu helay dambiyada ayaa ku dooday intii maxkamaddu socotay in duruufi u gaysay falalka lagu soo eedeeyey, qaarkoodna ay ka hareen fikirka, iyaga oo ku dooday in la sii daayo. Qareennada ayaan weli rasmi ahaan ula hadlin saxaafadda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post