1146 Views

SAWIRO:-Wafdi ka socda Dowladda oo gaaray Magalada Dhuusamareeb

SAWIRO:-Wafdi ka socda Dowladda oo gaaray Magalada Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogoosto 30, 2019 –Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa gaaray oo Maanta lagu soo dhaweeyay Xildhibaan C/xakiin Macallin Axmed oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya.

 

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Dhuusamareeb ayaa Xildhibaanka iyo Xubnaha la socda waxaa ay kusoo dhaweeyeen Garoonka Diyaaradaha Magalada Dhuusamareeb, iyada oo intaasi kadib la geeyay Gudaha Magalada.

 

Xildhibaanka oo hadal kooban siiyay Warbaahinta ayaa sheegay in u jeedka uu u tegay Dhuusamareeb ay tahay sidii uu uga qayb qaadan lahaa  Howlaha ka socanaya deegaannada Galmudug ee ah dhisida Maamul loo dhan yahay.

 

Magaalada Dhusamareb ayaa waxaa ku sugan inta badan Ergooyinka ka qaygalaya Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug kaasoo filayaa in dhowaan uu furmo halkaas,isla markaana Magalada laga dareemayo diyaar garoowgii u dambeeyay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment