1671 Views

SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo qaabilay Wafdi ka socda QM

SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo qaabilay Wafdi ka socda QM
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 29-2019 —Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho  Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay Wafdi oo hogaaminayay Wakiilka Hey’ada QM u qaabilsan Barnaamijka Horumarinta Aduunka ee UNDP Qeybteeda Soomaaliya Mr. Jocelyn Mason Kaas oo ay kaga Hadleyn dhowr qodob oo quseeya Horumarinta Caasimadda.

 

Qodobada laga hadlay waxaa lamid ahaa Gargaarka Barakacayaasha, Fulinta Mashaariic waxtar u leh Bulshada, dhismaha Xarumaha danta guud, Shaqa abuurka Dhallinyarada iyo arimaha La xiriira Kobcinta Dhaqaalaha.

 

 

 

Shirka kadib waxaa Warbaahinta la hadlay Wakiilka Hey’ada QM u qaabilsan Barnaamijka horumarinta Aduunka ee UNDP Qeybteeda Soomaaliya Mr. Jocelyn Mason.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu tilmaamay in Hey’ada UNDP ay isku afgarteen in sida ugu Macquul Loo hirgaliyo Waxyaabihii Laga Wada Hadlay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment