2277 Views

Mareykanka iyo Kenya oo ka wadahadlay dagaalka Al-shabab

Mareykanka iyo Kenya oo ka wadahadlay dagaalka Al-shabab
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 08, 2018-Dowladaha Mareykanka iyo Kenya ayaa ka wada hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabab ee ay labadaba kula jiraan.

Kaaliyaha wakiilka Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika,Tibor Nagy, ayaa kulan la qaatay madaxda ugu sarreysa Dalka Kenya sida Uhur Kenyatta iyo Wasiiradda arrimaha dibadda Monica Juma.

Kulanka labada dhinac ayaa la iskula soo qaaday sidii wax looga qaban lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabab ee ka socda geeska Afrika.

Dowladda Kenya ayaa codsatay in Mareykanka uu xoojiyo dagaalka ka dhanka ah AL-shabab gaar ahaanna gudaha Soomaaliya iyo Kenya.

Tibor Nagy, ayaa u sheegay Madaxda Kenya in farriintaas uu gaarsiinayo Taliska Mareykanka ee Afrika ee uu fadhigoodu yahay Germany iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Tibor Nagy, ayaa booqanaya dalalka Itoobiya, Jabuuti iyo Eritrea,waxaana uu kaddib aadayaa Magaalada Stuttgart, ee Germany halkaas oo ay ku suganyihiin madaxda Taliska Mareykanka ee AFRICOM loo yaqaan

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment