1620 Views

Wasiir xildhibaano Shabaab ku tilmaamay

Wasiir xildhibaano Shabaab ku tilmaamay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 06, 2019 –Xildhibaan C/llaahi Goodax Bare oo ka mid ah golaha shacabka ee Soomaaliya ahna Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda fedraalka ah oo la hadlayay suxufiyiinta ayaa sheegay inta badan xildhibaanadii maanta dooday ay yihiin kuwa ficilkoodu u adeegayo Alshabaab sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in shacabka looga baahanyahay sida uu yiri in ay iska fiiriyaan wejiyada xildhibaanadii maanta ka doodayay baarlamaanka oo sheegay in ay wakiilo u yihiin Alshabaab.

Kulanka golaha shacabka ee maanta waxaa lagu weday in su’aalo dhinaca amniga ah lagu weydiiyo Wasiirada amniga Gaashaandhiga iyo taliyaasha ciidamada qalabka sida hase’ahaate waa uu baaqday kadib buuq hareeyay kaas oo ka dhashay dood ku saabsaneyd in Warbaahintu ay ka qeybgasho kulanka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment