1749 Views

Nin horay labo jeer dil loogu xukumay oo Maxkamadda Ciidamada ay sii deysay

Nin horay labo jeer dil loogu xukumay oo Maxkamadda Ciidamada ay sii deysay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  May  01, 201, 2019 —Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ayaa go’aan ka soo saartay Kiiska C/risaaq Xuseen Tahliil oo loo yaqaano Ina Calool Geel, kaasoo labo jeer ay Maxkamad ku taal Puntland ku xukutay dil toogasho ah.

Ninkan oo caan ka ahaa Koofurta Gaalkacyo ayaa sanadkii 2017 howlgal si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Danab iyo kuwa PSF ee Puntland ku qabteen Koofurta Gaalkacyo, waxaana Mareykanka uu ninkan ku eedeeyay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab.

 

C/risaaq Tahliil oo ah Ganacsade heysta dhalashada Mareykanka ayaa labo jeer ay Maxkamad ku taal Puntland ku xukuntay dil toogasho ah, waxaana sababaha loo fulin waayay xukunkaas lagu tilmaamay cabsi laga qabay dagaalo ka dhaca Koofurta Gaalkacyo oo uu ka soo jeeday.

 

Kiiska Cabdirisaaq Xuseen Tahliil ayaa soo jiitamayay tan iyo dabayaaqadii July 2017, waxaa looga fursan waayay in dowladda dhexe loo soo gacan geliyo Kiiskan oo culeys gaar ah ku hayay degmada Gaalkacyo ee maamul ahaan u kala qeybsan Puntland iyo Galmudug.

 

Ina Calool Geel ayaa la sheegay inuu racfaan ka qaatay xukunka dilka ahaa ee lagu xukumay, waxaana la sheegay in loo soo wareejiyay Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ee fadhigeeda tahay Muqdisho.

 

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa amartay in la sii daayo, haddii aysan jirin dambiyo kale, balse waxaa ay Maxkamadda amartay in uusan ka bixi karin magaalada Muqdisho muddo labo sano ah.

 

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa ku amartay Ciidamada Amniga inay ninkan si gaar ah ula socdaan dhaq dhaqaaqiisa muddo shan sano ah, waxaana lagu wargeliyay Ina Calool inuu todobaadkiiba mar iska diiwaan geliyo xarunta Dambi baarista CID ee Muqdisho, sida uu Warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Liibaan Cali Yarow.

 

 

xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment