1296 Views

Ururka Daacish oo amray in la xiro goobo ganacsi oo ku yaala Suuqa Bakaaraha kadib markii ay bixin waayeen lacagaha.

Ururka  Daacish oo  amray in la xiro goobo ganacsi oo ku yaala Suuqa Bakaaraha kadib markii ay bixin waayeen lacagaha.
____________________________________________________________________________

April 15-4-2021

Sida ay u xaqiijiyeen warbaahinta ilo wareedyo kuwa ammaanka ah, ururka Daacish ayaa amray in la xiro goobo ganacsi oo ku yaala Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.


Daacish ayaa beegsaday shirkadaha daawooyinka keena dalka ee saldhigoodu yahay Muqdisho, waxaana sababta lagu sheegay in ay dul dhigeen kumanaan dollar oo lacag baad ah oo lagu qasbay inay bixiyaan.


Shirkadaha ayaa sheegay in aysan awoodin bixinta lacagahaas waxaana lagu amray in ay joojiyaan shaqada ay haayaan, haddii aysan bixin lacgtaas.


Mid kamid ah shirkadahaas oo ka dhaga adeegtay islamarkaana ganacsigeeda furtay ayaa dhismihii ay daganeyd lagu xiray qarax miino, kaas oo sababay dhaawaca qof shacab waxa uuna falkaan dhacay todobaadkii hore.

Milkiilayaasha shirkadaha la xiray qaarkood ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya oo canshuur ka qaadata ay daawaneyso dhibka haysta, islamarkaana aysan soo faro-gelin arrintan oo aysan sugin amnigooda


Wali hay’adaha amaanka kama aysan hadlin arrintaan waxaana la sheegayaa in Daacish ay kordhiyeen cadaadiska ay saarayaan ganacsatada Soomaaliyeed.
Dhibaatada kale ee jirta ayaa ah in kooxda Al-Shabaab ay sidoo kale lacag ka qaado ganacsatada, islamarkaana aysan ogoleyn inay lacag kale siiyaan Daacish oo uu dagaal kala dhaxeeyo.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post