5445 Views

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxda sare ee dalka oo isku mari waayay sedax qodob

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxda sare ee dalka oo isku mari waayay sedax qodob
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 03, 2018 Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal oo tani iyo markii uu Muqdisho dib ugu soo laabtay kulamo gaar gaar ah la yeelanaayay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Labadiisa kuxigeen ayaa kulamada qaar la isku fahmi waayay.
Kulamada qaar oo qaatay saacado badan ayaa kii ugu dambeeyay ee la isku fahmi waayay waxaa ahaa mid xalay si gaar ah u dhex maray Guddoomiye Mursal, Ra’iisul Wasaaraha iyo Kusimaha Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida.

Waxaa soo ifbaxaya in Guddoomiye Mursal uu aad ugu dhegan yahay saddex qodob, diideyna inuu wada xaajood ka geli doonin.

Qodobada uu Guddoomiyaha ka biya diidan yahay ayaa waxaa ka mid ah

1- in Ciidamada la geeyey Baydhabo dib loo soo celiyo

2- In uu tartamo Mukhtaar Roobow oo aan Musharaxnimadiisa laga hor istaagin

3- In Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka ay shaqadooda wataan

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa dadaal xoog leh ugu jira sidii guddoomiyaha Baarlamaanka uu uga tanasuli lahaa qodobada uu ku dhegan yahay

Xigasho:-Jawhar.com

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment