900 Views

Doorashada xubnaha Aqalka sare oo ka dhacaysa magaalada Baydhabo maanta.

Doorashada xubnaha Aqalka sare oo ka dhacaysa magaalada Baydhabo maanta.
____________________________________________________________________________


isniin: August 2, 2021

Doorashada xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta oo Isniin ah ka dhacaysa magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha guddiga xalinta Khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya Cabdullahi Abyan Nuur iyo wefti uu hogaaminayo ayaa saaka u safraya Koonfur Galbeed.

Xubnahan guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka oo ka kooban 6 xubnood ayaa goobjoog unoqon doona doorashada Aqalka sare ee ka dhacaysa halkaasi.

Koonfur Galbeed ayaa noqotay maamulkii labaad ee bilaabaya doorashada Aqalka sare waxaana ka horraysay Jubaland oo keliya.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post