861 Views

RW Kheyre:- “Waxaa illaa amar dambe xirnaan doona Duulimaadyada iyo Goobaha waxbarashada dalka”.

RW Kheyre:- “Waxaa illaa amar dambe xirnaan doona Duulimaadyada iyo Goobaha waxbarashada dalka”.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Arbaco- April 1, 2020 —Ra’iisul Wasaaraha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo caawa oo arbacaa Shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa sheegay in dalka lagaliyay fooljignaan dheeri ah si looga hortago Faafitaanka Xanuunka Covid-19 oo dhibaato ku haayo dhamaan Caalamka.

 

Xasan Cali Kheyre Wasiirka 1 aad ee Xukumada Soomaaliya ayaa amar ku bixiyay in ay sii xiraadoonaan goobaha waxbaradasha dalka sida Iskuuladda,Jaamacada iyo dugsiyada quraanka.

 

Waxa uu sidoo ku baaqay in la joojiyo dhamaan kulamada dadweynaha sida Xafladda maamada Xanuunka lagu kala qaado ayuu yiri “isu dhawaanshaha iyo istaabashada”.

 

“Waxaa illaa amar dambe xirnaan doona, Duullimaadyada dibadda iyo gudaha, waxaa illaa amar dambe sii xirnaan doona iskuulada, dugsiyada Quraanka iyo Jaamacadaha, waxaa kale oo lagama maarmaan ah in la joojiyo dhammaan xafladaha iyo isu imaatinka, cudurkan waxaa lagu kala qaadaa isu dhawaanshaha iyo istaabashada”  Ra’iisul Wasaare Khayre.

 

Waxa uu sheegay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya in loo baahanyahay in dadku qarwaaqsadaan saamaynta Xanuunka iyo dhibaatada uu hayo guud ahaan Caalamka.

 

“Waa in aan aqbalnaa in aan ku jirno  xaalad aan caadi ahayn oo aan garwaaqsannaa in caabuqa COVID-19 dhab yahay sidaas darteed waa in aan muujinnaa foojignaan dheeri ah si aan dadkeenna u badbaadinno” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

 

Wasiirka 1aad ee Xukumada ayaa sheegay in dowladdu wada dadaalo looga hortagayo Xanuunka Covid-19,isla markaana bulshada Soomaaliyeed looga baahanyahay in qaataan talooyinka Madaxda Dalka iyo Quburada Caafimaadka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment