786 Views

Duufaan Xoogan oo mar kale ku dhufatay dalka Filibiin

Duufaan Xoogan oo mar kale ku dhufatay dalka Filibiin
____________________________________________________________________________

.

Duufaanta Goni ayaa ku dhufatay qaybo badan oo kamid ah wadanka Filibiin, Waxaa ku dhintay duufaanta ugu yaraan 10 ruux iyadoona wadatay roob iyo dabaylo.

Duufaanta Goni oo sidoo kale ay ka dhasheen daadad xoogan ayaa meelaha qaar ka gaysatay dhul go’.

Waxa soo bilaabatay duufaanta dhamaadkii todobaadkii hore waxa ayna saameenta ugu xoogan ku yeelatay jaziirada Luzon, iyo guryo ku yaalo magaalada caasimadda ah ee Manila.

Afhayeenka madaxtooyada ayaa sheegay in musiibadan uu gurigiisa kala socdo madaxwaynaha wadanka Filibiin Rodrigo Duterte uuna diyaar u yahay in uu jawaab ka bixiyo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post