1296 Views

Senator Xuseen Sheekh Oo Sheegay In Xildhibaan Boqore Todobaad Ka Hor Laga Kaxaystay Ilaaladiisa

Senator Xuseen Sheekh Oo Sheegay In Xildhibaan Boqore Todobaad Ka Hor Laga Kaxaystay Ilaaladiisa
____________________________________________________________________________

Mogdishu | QOL | Febaraayo 24, 2019 –Kadib markii shalay kooxo hubeysnaa Bastoolado ay Degmada Kaaraan ku dileen Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsanaa Golaha Shacabka ayaa waxaa dilkiisa ka hadlay Sanotar ka tirsan Aqalka sare ee dalka.

Sanotar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore,waxaana uu sheegay in dhawaan ay kulmeen,isagoona xusay in  xiligaas Marxuumka uu ka walaacsanaa Amnigiisa.

Sidoo kale Sanotar Xuseen Kheekh ayaa tilmaamay in Xildhibaanka Boqore uu u sheegay in Taliska Ciidanka Booliska ay ka kaxaysteen Ciidamadii ilaalada u ahaa,isla markaana uu walaaac ka qabo amnigiisa.

War qoraal ah oo Bogiisa Facebook uu soo dhigay Sanotar Xuseen Kheekh oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka ayaa u qornaa sidan .

“Aad iyo aad ayaan uga naxay geerida Xildhibaanka oo aan iska tirsaneyn Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka.Xildhibaanka oo aan kulanay dhowr asbuuc ka hor ayaa wuxuu ka walaacsanaa Amnigiisa gaar ka ah maadaama Taliska Ciidanka Booliska ay ka kaxaysteen ciidamadii ilaalada u ahayd sida uu ii sheegey”

Allaha u naxariistee Dilka Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsanaa Golaha Shacabka ahaana Ninkii ugu da’da weynaa Xildhibaanada ayaa waxaa Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab .

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogdishu 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment