1317 Views

Madxweyne Deni oo ku baaqay in wada-hadalka DF iyo Somaliland lagu qabto Garoowe

Madxweyne Deni oo ku baaqay in wada-hadalka DF iyo Somaliland lagu qabto Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 25, 2019 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayay Munaasabad lagu qabtay Magalada Garoowe ayaa dalbaday in wada-hadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland & Maqaamka Magalada Muqdisho  lagu qabto Magalada Garoowe.

 

Waxaa uu sheegay in Wada-hadallada Soomaaliya iyo soomalailand ay tahay caqabad kale oo hortaagan Dastuurka Soomaaliya,waxaana uu sheegay in uu ka codsanayo Soomaaliland inay wada xaajood iyo wada-hadal u yimaadaan Garoowe.

 

 

 

Dadka Reer Puntland ayuu ugu baaqay inaysan noqon kuwa doodaha iyo xaaqa ay leeyihiin aysan ka baqin,isla markaana Maamulka Puntland uu diyaar u yahay martigelinta shirar looga hadlayo maqaamka Muqdisho iyo wada-hadallada Soomalaiya iyo Soomaaliland.

 

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa soo hadal qaaday Arrimo la xiriira Maqaamka Muqdisho oo uu sheegay in in badan ay soo noq noqatay doodiisa,waxaana uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in Garoowe looga dodo sidii Magalada Muqdisho ay u yeelan laheyd Maqam u gaara ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment