918 Views

Jabuuti oo diiwaan gelisay kiisas cusub oo Coronavirus ah

Jabuuti oo diiwaan gelisay kiisas cusub oo Coronavirus ah
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 14, 2020 –Dalka Jabuuti ayaa lagaga dhowaaqay kiisaskii ugu badnaa ee xanuunka Covid-19 iyadoo wasaarada caafimaadka ee dalkaasi ay shalay shaacisay kiisas cusub oo dhan 83.

 

Tirada guudna ee dadka cudurka uu ku dhacay ee dalkaas ayaa waxay kor u dhaaftay 300 qof, iyadoo laba qofna dhimashadooda ilaa haatan la xaqiijiyey.

 

 

 

Dalka Jabuuti ayaa ka mid ah hada meelaha uu sidda weyn u sameeyay Cudurka Corona Virus dalalka ku yaalla geeska Afrika.

 

Mas’uuliyiinta dalka Jabuuti ayaa sababta ku sheegay in Jabuuti ay ku badan yihiin dadka Ajaanibta ah, maadaama halkaasi ay ku yaallaan Saldhigyo Ciidan.

 

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shacabka ugu baaqay xoojinta feejiganaanta ka dhanka ah Cudurka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment