936 Views

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku dhigay Hub & rag watay

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku dhigay Hub & rag watay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-09-2020-Howlgal ay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Puntland ka sameeyeen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay gacnata ku dhigeen hub iyo raggii watay.

Saraakiil ka tirsan Booliiska Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegeen in intii ay howlgalka ku jireen ay gacanta kusoo dhigeen Lix qoray oo AK47 ah 8 Ruux oo ah raggii watay oo ka Ganacsanayay Maandooriyaha Khamriga iyo Agab kale.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in ka hor soo qabashada raggaas iyo hubka ay wateen uu jiray dagaal kooban oo Ciidamada Booliska Puntland iyo Kooxda hubeysan ku dhexc-maray halka lagu magacaabo Xeradii KABISTA oo ku taalla bartamaha Gaalkacyo.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in 8 Ruux oo la qabtay 7 kamid ah & Gaari ay lahaayeen la geeyay Saldhiga Booliska Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo halka midka 8aad oo dhaawac ah la geeyay Isbitaalka Magaaladaas si loogu daaweeyo.

Ciidamada Booliska Puntland ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadeen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,waxaana Saraakiisha howlgallada hoggaamineysay ay sheegeen inay la dagaalamayaan Kooxaha ka Ganacsada waxyaabaha Maanka dooriya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post