1077 Views

Shaqaalaha gargaarka iyo diblomaasiyiin sheegay in weerar lagu qaaday magaalada Mekelle.

Shaqaalaha gargaarka iyo diblomaasiyiin  sheegay in weerar lagu qaaday  magaalada Mekelle.
____________________________________________________________________________

Isniin: October 18, 2021

Shaqaalaha gargaarka iyo diblomaasiyiin, ayaa sheegay in weerar lagu ekeeyey xarunta gobolka Tigreega, ee magaalada Mekelle.

Warbaahin ay maamusho jabhadda xoreynta dadweynaha ee Tigray, kuwaasoo dagaal ku jira dowladda federaalka ee Itoobiya, ayaa sheegtay in saddex qof oo rayid ah lagu dilay, tobaneeyo kalana lagu dhaawacay laba weerar oo halkaasi lagu qaadey.

Midowga Yurub iyo Mareykanka,ayaa ku booriyey dhinacyadda kulugta leh dagaalka iney ilaaliyaan xabad joojinta jirta, si loogga fogaado in gobolka ay ka dhacdo masiibo bani’aadannimo oo qaro weyn.

Tani waa markii uggu horeysay ee colaadda kow iyo tobanka bilood socota, oo duqeyn xagga cirka ah laga soo sheego magaalada Mekelle.

Dowladda ayaa beenisay iney wax weerar ah qaadey. Ka maqnaanshaha warbaahinta ee gobolka Tigray, ayaa ka dhigeysa wax addag in la xaqiijiyo jiritaanka warka soo baxey.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post