4632 Views

Waa la Yaabanyahay!!!

____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 11, 2016: Beryaan waxad moodaa in magaalada Muqdisho in ay dhutinayso, ayad oo isu-socodki uu yaraaday, sababtuna ay tahay ayadoo Shirki IGAD nagu soo dhowyahay.

Gaadiidka waddooyinka waaweyn waa laga xayiray, taas oo amniga dartiis loo sameeyay. Waa jirta in dadweynaha uu dhib ku qabo oo aysan dhaqsi ku tagi Karin goobahooda shaqada balse, ayaga ayeey u wanaagsantahay marba hadii meesha ay nabadgelyo soo gasho.

Arrinta an kor ku soo xusnay ayaa la sheegayaa in dadka mucaaradka ah qarkood oo ay ka mid yihiin Musharixiinta, kuwaas oo ayagoo ka faaiidaysanayo, suuqa geliyay in Muqdisho Bandow lagu soo rogay, taas oo ah mid been abuur ah.

Website-ka Shaaciye ayaa ka qoray warbixin arrintaas kuu saabsan oo cinwaankeeda uu ka dhigay.

Cabdi Weli Sheekh Axmed oo colaad u horseedaya Somalia

Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia C/weli Sheekh Axmed, ayaa magaalada Muqdisho ka wada ololo lagu qalqal galinaayo amniga magaalada Muqdisho.

C/weli Sheekh ayaa maalmihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho kawaday ololo lagu dhaqan galinaayo dibadbaxyo ka dhan ah xasiloonida ka jirta dalka.

C/weli Sheekh, ayaa ka faa’iideysanaaya wakhtiga kala guurka ee uu dalka ku jiro waxa uuna tashkiilin ku hayaa dhalinyarada si ay u dhigaan dibadbaxyo.

C/weli Sheekh, ayaa ololahaani u adeegsanaaya midowga Axsaabta, waxa ayna tani dhibaato aan laga kabsan u horseedi kartaa dalka maadaama xiliga lagu jiro uu yahay mid aan wacneyn.

Ololahaani ayaa xoogiisa ka socda Hoteel Jazeera ee magaalada Muqdisho, waxaana la soo warinayaa in halkaasi lagu dagaayo qorsho lagu qalqal galiyo amniga.

Hoteelka ayaa waxaa sidoo kale lagu diyaarinayaa dhalinyaro uu C/weli Sheekh u diyaarinaayo abaabulka dibadbaxyadaasi, sida ay xaqiijiyeen xubno qeyb ka ah garabka Mucaaradka.

Qorshahaani uu la daala dhacaayo C/weli Sheekh ayaa dalka u sababi kara burbur iyo xasil darro waxaana sidoo kale garab boodaaya Ganacsto.

Ma cadda qaababka loo dhaqan galin doono qorshahaani waxaase cad in tani ay dhibaato galin doonto dalka, waa haddii aan laga gaashaaman

Xigasho : http://www.shaaciye.com/site/?p=84582

Nin oday ah oo aqriyay Maqaalka Shaaciye ayaa dhahay: ” War waa yaabanay ee siyaasadda noocan ah maxay tahay?” Isla asaga ayaa isu jawaabay: ” Mini la yaabo Yaasiinka.”

Ciid Wanaagsan Dhamaaniyiin inta ku tixan:

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment