1260 Views

Taliska Dambi Baariska Kenya oo shaciyay in xalay ay gacanta ku dhigeen labo nin, hub iyo gaari ay wateen

Taliska  Dambi Baariska  Kenya oo shaciyay in xalay ay gacanta ku dhigeen labo nin, hub iyo gaari ay wateen
____________________________________________________________________________

 

February 22, 2021

Taliska ciidamada Dambi Baariska dalka Kenya ayaa boggooda Facebook ku shaaciyay in xalay ay gacanta ku dhigeen labo nin, hub iyo gaari ay wateen.

Howl-galkan ayaa ka dhacay magaalada Isiolo.

Labada nin ee gacanta lagu dhigay ayey magacyadooda ku kala sheegeen Cabi Fataax Ibraahim iyo Yuusuf Maxamed.

Hubka la qabtay ayaa isugu jiray qori AK47 ah, 128 wareeg oo rasaas ah iyo labo gambo oo nooca gacanta laga tuuro ah.

“Baaritaan ayaa lagu wadaa labada la tuhunsane, waxaana kiiskooda gacata ku haya laamaha burburinta bambooyinka iyo la dagaallanka argagixisada ee booliska,” ayaa lagu yidhi qoraalka lasoo dhigay Facebook.

Taliska Dambi baarista ayaa sheegay in ciidan joogay waddo ay ka shakiyeen labo gaari oo noocoodu yahay Toyita Probox, markii ay damceen in ay istaajiyaanna ay ka carareen.

Waxay intaas ku dareen in ay rasaas soo fureen dadkii saarnaa gawaarida laga shakiyay, ciidankuna ay rasaas ugu jawaabeen, ugu dambeynna labo nin oo mid ka miod ah gawaarida saarnaa is dhiibeen, halka gaarigii kalena ay u suuragashay in uu baxsado

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post