891 Views

SAWIRO:- Wafdi ka socda Dowladda Qatar oo gaaray Kismaayo

SAWIRO:- Wafdi ka socda Dowladda Qatar oo gaaray Kismaayo
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 18, 2020–Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa Barqanimadii Maanta gaaray wafdi ka socda dowladda Qatar oo uu hoggaaminayo Safiirka Qatar ee Soomaaliya Xasan Xamza.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaa Kismayao kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno kamid ah golaha wasiiradda Jubbaland, iyada oo loo gelbiyay Gudaha Magaalada Kismaayo.

Safiirka Qatar ee Soomaaliya Xasan Xamza Asad iyo Xubnaha la socda ayaa la filayaa inay xariga ka jaraan mashaariic horumarineed oo ay dawladda Qatar Jubbaland ka hirgelisay.

Sidoo kale wafdiga ayaa waxaa la filayaa inay kulan la qaataan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam,waxaana Maanta aad loo adkeeyay amniga Magaalada Kismaayo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post