675 Views

Uganda oo ka bilaabatay doorashada Madaxtinimada & tan Baarlamaanka

Uganda oo ka bilaabatay doorashada Madaxtinimada & tan Baarlamaanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 14, 2021—Dalka Uganda maanta waxaa la bilaabatay doorashada madaxtinimada iyo tan baarlamaanka, goobaha codbixinta ayaa furmay saaka todobadii subaxnimo.

Ciidamo badan oo ka tirsan booliiska ayaa lagu daadiyay guud ahaan caasimadda Kampala, iyadoo waddooyinka waa weyn lagu arkayo gaadiidka gaashaaman.

11 oo uu ku jiro madaxweynaha talada haya ayaa u taagan xilka madaxweynaha, sidoo kale waxaa ku jira qof dumar ah.

Labada murashax oo tartanka adag dhex mari doono waa madaxweyne Yoweri Museveni oo 76 sano jir ah dalkana xukumayay muddo 35 sano ah, iyo fanaanka da’da yare e Bobi Wine oo 38 sano jir ah.

Robbert Kyagulanyi oo loo yaqaano Bobi Wine ayaa sheegay in uu matalayo da’yarta reer Uganda iyadoo Museveni oo sheegay in uu u taagan yahay xasiloonida dalka.

Xukuumadda ayaa amartay in la xiro baraha bulshada inta doorashada socoto, madaxweynaha waxaa uu sheegay in dhowr bog oo ay leeyihiin taageeriyaasha xisbigiisa sidoo kale hawada laga saaray.

18.1 milyan ayaa loo diiwaan geliyay ka qeybgalka doorashada, madaxweynaha markii shanaad ayuu tartamayaa xilligan, sidoo kale shacabka Uganda waxay dooran doonaan xubnaha baarlamaanka oo ka kooban 529 mudane. Guuleystaha doorashada ayaa laga rabaa in uu helo 51% si looga fogaado wareeg kale oo tartan ah.

Arbacadii Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in uu la baxay korjoogtada doorashada ka dib markii inta badan kormeeriyaashaas loo diiday rukhsadaha.

Danjiraha Mareykanka ee Uganda Natalie Brown ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in korjoogto la’aanta doorashada madaxtinimada iyo tan baarlamaanka ka dhigayso in aysan jirin isla xisaabtan, daahfurnaan iyo kalsooni.

Afhayeenka madaxweyne Moseveni oo hadalkaas ka jawaabay ayaa qoraal soo dhigay Twitter wuxuu sheegay in doorashada korjoogto ka yihiin kormeeriyaal ka socda midowga Afrika iyo bulshada bariga Afrika.

“Ma xasuusto mar ay Uganda u dirtay korjoogto doorashada Mareykanka,” ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha Uganda.

Murashaxa mucaaradka ah Bobi Wine ayaa codbixiyeyaasha ugu baaqay in ay ku sugnaadaan goobaha codbixinta khamiistan maanta ah isla markaana telefoonada gacanta ku duubaan sida tirinta codadka u socoto si looga hor tago ku shubasho.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post