321 Views

Wiil la dhashay guddoomiye ku xigeenka labaad ee BF oo lagu dilay Muqdisho goor dhawayd

Wiil la dhashay guddoomiye ku xigeenka labaad ee BF oo lagu dilay Muqdisho goor dhawayd
____________________________________________________________________________

Isniin: NOVEMBER 6, 2022

Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo ay barqanimadii maanta dabley hubeysan ay ka geysteen qaybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo loo geystay wiil dhalinyaro ahaa.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cumar Abshirow, kaas oo ka mid ahaa dhalinyarada waxbaratay ee ku nool magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Sidoo kale marxuumka ayaa waxa ay walaalo yihiin guddddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa foobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo sameeyey baaaritaano kooban oo lagu baadi goobayo kooxihii dilka geystay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kuwaas oo goobta isaga baxsaday.

Dhinaca kale xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo war kasoo seeray geerida Marxuum Cabdiraxmaan ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelladdiisa, gaar ahaan guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

“Waxa aan halkan tacsi uga dirayaa Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Cumar Abshiroow oo walaalkiis Abdiraxman Omar Abshirow saaka lagu dilay degmada Dharkanleey ee gobolka Banaadir. Naxariistii Janno Eebe ha siiiyo, gacan ka xaq daran ayaa dishay,” ayuu yiri xildhibaan Macallimuu.

Dilkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaanka dari ee haatan ka dhacaya Muqdisho, kuwaas oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo sidoo kale weeraro qaraxyo ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post