1875 Views

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeyb Galaya Caleemo Saarka Laftagareen

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeyb Galaya Caleemo Saarka Laftagareen
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 15, 2019 – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in Saacadaha soo socda uu u ambabaxo Magalada Baydhabo ee Xarunta KMG u ah Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

U jeedka safarka Madaxweynaha ee Baydhabo ayaa lagu sheegay in uu halkaasi uga qeybgeli doono caleemo-saarka Madaxweynaha Cusub ee Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen)

Madaxweynaha ayaa waxaa wehlin doona Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka,Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada,kuwaas oo dhamaantooda ka qeybgeli doona caleemo-saarka.

Maalin ka hor ayaa waxaa Baydhabo tagtay Diyaarad siday Ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada Madaxtooyada,kuwaas oo horudhac u ah safarka Madaxweynaha uu ku tegi doono Magalada Baydhabo.

Wararka aan ka heleyno Magalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in Magalada Baydhabo ay ka socoto diyaar garoowga soo dhaweynta Madaxweynaha iyo qaban qaabada Xaflada Caleemo-saarka oo la filayo inay dhacdo 16 Bishaan.

Madaxweynaha Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen) ayaa Magalada Baydhabo waxaa lagu doortay 19-ki Bishii December sanakii tegay ee 2018.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment