2622 Views

Faarax Xaashi oo dowladda Imaaraadka ku ganaaxday in uu bixiyo 46,000 oo doollar

Faarax Xaashi oo dowladda Imaaraadka ku ganaaxday in uu bixiyo 46,000 oo doollar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 9, 2018 – Qoyska nin Britain u dhashay oo dalxiise ahaa ayaa sheegay wiilkoodu lagu qasbay in uu Dubai sii jooga ka dib markii xawaaraha gaari uu waday awgeed loogu ganaaxay 46,000 oo doolarka Maraykanka ah.

Faarax Xaashi oo 25 jir ah ayaan awoodin in uu iska bixiyo ganaaxaas, sida uu walaalkii sheegay.

Qolada uu Xaashi ka kiraystay gaariga Lamborghini Huracán ayaa wargeyska The National u sheegay in ay ka sii hayeen baasaboorkiisa.

Balse walaalkii Adman oo 50 jir ah ayaa sheegay in baasaboorkiisa laga qaaday ka dib markii uu waday gaarigan 155,000 ee gini la siiyo.

Xaashi ayaa la sheegay in uu jabiyay xeerkii xawaaraha ee u dajisnaa mid ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan Dubai, isga oo waliba tobannaan jeer khaladkaas ku celceliyay saacadihii hore ee Talaadadii.

Ganaaxa guud ayaa noqday 175,000 oo dirham oo u dhiganta $47,600 doolarka Maraykanka ah.

Wuxuu jabiyay xeerkii xawaaraha ee waddada Sheikh Zayed Road isaga oo gaariga ku kaxeeyay 240km saacaddii.

Adman Xaashi ayaa sheegay “in ay huteelka ugu yimaadeen ayna waydiisteen baasaboorkiisa ka dib markii uu u soo dhacay tikitka ganaaxa, uuna sidaa ku bixiyay baasaboorkiisa isaga oo cabsanaya.

“Hadda waxay leeyihiin waxaa waajib ah in uu bixiyo 40,000 oo giniga istarlinka ah waana arrin qaab daran. Ma haysto lacagtaas. Shaqo la’aan ayuu ahaa, Dubai wuxuu ku booqday saaxiibbadii.

Wuxuu sheegay in walaalkii uu lacag amaahday si uu uga bixiyo maalmaha dheeraadka ah ee uu hotelka dagan yahay, qoyskiisuna aysan ogayn inta uu halkaas sii joogi doono.

.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment