333 Views

Shiinaha oo sameeyay dhoolatus militeri oo hor leh oo ka dhan ah Taiwan

Shiinaha oo sameeyay dhoolatus militeri oo hor leh oo ka dhan ah Taiwan
____________________________________________________________________________

Isniin: August 8, 202

Militeriga Shiinaha ayaa sheegay in uu sii wadayo dhoolatuska militeri ee ballaaran ee uu ka fulinayo agagaarka jasiiradda Taiwan kadib markii Axaddii uu Shiinaha shaaciyay in uu soo afjaray dhoolatuskii dab-ridka ahaa.

Taliska ciidamada Shiinaha ayaa sheegay inay sameynayaan dhoolatus ka dhan ah maraakiibta gujiska ah iyo weerarada dhanka badda.

Dhoolatuskan militeri ayaa ka dambeeyay markii Shiinaha uu ka carooday markii Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay booqasho ku tegtay halkaas.

Taiwan ayaa ku eedeysay Shiinaha in uu wado duullaan ka dhan ah jasiiradda oo uu Shiinaha u arko inay ka tirsan tahay dhulkiisa.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post