1347 Views

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Maanta kormeeray Lix Wasaaradood

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Maanta kormeeray Lix Wasaaradood
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 17, 2019 – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Maanta kormeeray Wasaaradaha Warfaafinta, kalluumaysiga, Haweenka, Ganansiga, Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha.

Ra’iisul wasaaraha oo kormeerka sameeyay Subaxnimadii hore ee Maanta ayaa tegay waaxyada ay ka koobanyihiin wasaaradahaasi, isaga oo shaqaalaha iyo agaasimayaasha ka xog-waraystay hannaanka shaqooyinku ay u socdaan.

Kormeerka oo qayb ka ah hawlaha kor-joogteynta ah ee lagula socanayo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee Dowladda ayuu u jeedkiisu ahaa adkaynta isla xisaabtanka ee ku salaysan daah-furnaanta iyo hufnaanta hay’adaha Dowladda.

.
.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment