1047 Views

Musharixiinta oo shaki geliyay in uu dhex-dhexaad ka yahay arrimaha doorashada Soomaaliya, Ra’Isal wasaare Rooble

Musharixiinta oo  shaki geliyay  in uu dhex-dhexaad ka yahay arrimaha doorashada Soomaaliya, Ra’Isal wasaare Rooble
____________________________________________________________________________

 May 16 2021

Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay shaki geliyeen in uu dhex-dhexaad ka yahay arrimaha doorashada Soomaaliya, Ra,Isul wasaare rooble iyaga oo ugu baaqay in uu muujiyo kalsooni iyo madax banaani.

Qoraal kasoo baxay Midowga Musharixiinta oo loo diray dhinacyada Soomaalida & Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin in Ra’iisul Wasaare Rooble uu dhex-dhexaad noqon waayo howlaha doorashada, isla markaana uu u nuglaado cadaadis uga imaanayo dibadda.

Sidoo kale Midowga Musharixiinta waxaa ay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaaraha in uu joojiyo safarada dibadda, sidoo kalena uu muujiyo madax bannaani, isla markaana uu bilabo howlaha doorashooyinka ee loo igmaday.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post