627 Views

Saraakiisha Tigray-ga oo ka hadlay xabad-joojin ee dowladda Itoobiya.

Saraakiisha Tigray-ga oo ka hadlay  xabad-joojin ee dowladda Itoobiya.
____________________________________________________________________________

Talaado: july 6 2021

Saraakiisha Tigray-ga ayaa mar kale jawaab rasmi ah ka bixiyey baaqa xabad-joojin ee dowladda Itoobiya.

Hoggaamiyaasha Tigray waxay shuruud ku xireen baaqaas ku saabsan in xabbad-joojin laga hirgeliyo Gobolka Tigray ee colaaddu ka socoto.

Waxay sheegeen in baaqaas ay aqbali doonaan kaliya haddii ciidamada Eritrea iyo kuwa Amxaarada ay ka baxaan Gobolka.

Waxay sidoo kale ku baaqeen hanaan lagula xisaabtamayo Abiy iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki waxyeeladii ay geysteen intii uu dagaalka socday.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post