852 Views

Wadooyin bani’aadannimo oo loo furayo shacabka ku xanniban magaalooyinka Ukraine

Wadooyin bani’aadannimo oo loo furayo shacabka ku xanniban magaalooyinka Ukraine
____________________________________________________________________________


khamiis: April 14, 2022

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Ukraine, ayaa sheegtay in la furayo ilaa sagaalmarin oo bani’aadannimo si loogu soo samatabixiyo dadka rayidka ah ee weli ku go’doonsan magaalooyinka la heysto, sida Mariupol.

Meelaha kale ee la marayo ee la isku waafaqay ayaa waxay kala yihiin Berdiansk, Tokmak iyo Enerhodar.

Bariga gobolka Luhansk, ayay Ms Vereshchuk waxay ciidamada Rushka ee heysta ka codsatay inay joojiyaan duqeynta, si howlaha samatabixinta loo bilaabo.

Shalayna dowladda Ukraine ayaa sheegtay inay awoodi weysay in marinno bani’aadannimo ay furto sababo la xiriira ammaanka oo aad u xumaa.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post