303 Views

Ciidamada dowladda oo degaano kala wareegay Al-Shabaab

Ciidamada dowladda oo degaano kala wareegay Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa weli waxaa ay howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ka wadaan degaano katirsan Gobolka Galgaduud, iyaga oo degaano horleh la wareegay.

Ciidamada ayaa Maanta waxaa ay weerar ku qaadeen degaanka Cali Yabaal oo hoostaga degmada Ceeldheere ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxaana la sheegay in dagaal kooban oo ka dhacay ay Ciidamada dowladda & kuwa degaanka la wareegeen.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa Risaala u sheegay in degaanka Cali Yabaal oo 30km u jira degmada Ceeldheer uu yahay degaan muhiim u ah Al-Shabaab, isla markaana howlgallada ay ciidamada huwanta ah sii wadi doonaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Cali Yabaal ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada ay hadda howlgallo miino baaris ah ka wadaa gudaha degaanka daafihiisa si loo xaqiijiyo Amniga Guud ee degaanka.

Dhawaan ayaa waxaa la filayaa in siwadajir ah qaar kamid ah Gobolada dalka uu ka billaawdo wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post