924 Views

Booliiska Gobolka Nugaal oo gacanta ku dhigay nin hubaysan oo nin kale dilay

Booliiska Gobolka Nugaal  oo  gacanta ku dhigay nin hubaysan oo nin kale dilay
____________________________________________________________________________

May 15 2021

Ciidamada Booliiska Gobolka Nugaal, ayaa gacanta ku dhigay nin hubaysan, oo saaka nin kale ku dilay magaalada Garoowe, kadib muran shikhsiyeed oo dhexmaray.

War kooban oo ka soo baxay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal, ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi oo saaka gudaha magaalada Garoowe ku dilay Marxuum, Maxamed Muuse Faarax.

Booliiska Garoowe ayaa gacanta ku dhigay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi oo saaka dil u gaystay Marxuum Maxamed Muuse Faarax” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Booliiska Gobolka Nugaal.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in ay dib ka soo gudbin doonaan macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan dhacdadan dilka ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post