1116 Views

Mid kamid ah wadamada Afrika oo u gefay Soomaaliya

Mid kamid ah wadamada Afrika oo u gefay Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 12  2020–Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Algeria, SabriBoukadoum, oo ka hadlay qalalaasaha xilligaan ka jira dalka Liibya, ayaa sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay inay miiska wada-hadalka isugu keenta dadka ku hardamaya dalkaasi.

Shir jaraa’id uu ku qabtay gudaha dalkaas ayuu sheegay in amniga iyo xasiloonida libya ay tahay mid dan u ah qaranimada iyo amniga dalka libya,isla markaana labada dal uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah.

Wasiir Sabri Boukadoum ayaa dadka ku nool dalka Liibiya uga digey in dalka libya uu isku bedelo sida soomaaliya oo kale,isla markaana arrintaasi uu walaac ka qabo.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Algeria ayaa ku soo aadaya xilli dhawaanna madaxweynaha dalkaas Algeria, uu Liibiyiinta uga digey in ay noqdaan sida Soomaalida oo kale.

Dalal badan oo Caalamka ah ayaa mararka ay dhacdooyin kacdoon iyo dagaalo ka bilaawdaan waxaa ay tusaalo u soo qaataan dalka Soomaaliya,waxaana dhawaan Madaxweynaha Mareykanka donald Trump uu sheegay in Soomaaliya aysan ka jirin wax dowlad ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post