837 Views

kooxda Taliban OO qabsatay marinada waaweyn ee xadka ay la wadaagaan Iran

kooxda Taliban OO  qabsatay marinada waaweyn ee xadka ay la wadaagaan Iran
____________________________________________________________________________

Sabti: July 10 2021

kooxda Taliban ayaa qabsatay marinada waaweyn ee xadka ay la wadaagaan Iran iyo Turkmenistan kadib howlgalo balaaran oo ay ka wadeen waqooyiga Afghanistan, sida ay saraakiishu sheegeen.

Taliban waxay sheegeen inay qabsadeen laba magaalo oo muhiim ah oo kala ah Islam Qala oo u dhaw Iran, iyo Torghundi oo ku taalla xuduud xudduuda Afqanistaan Turkmenistan.

Saraakiisha Afghanistan waxay qireen in lagala wareegay Islam Qala iyo Torghundi, oo labaduba ku yaal gobolka Herat.

Ciidamada Afghanistan ayaa isku dayaya inay dib uqabsadaan labada magaalo ee xuduuda ku yaalla, sida uu sheegay afhayeen uhadlay dowlada.

Zabihullah Mujahid, afhayeen u hadlay Taliban ayaa sheegay in marinka Islam Qala ay “si buuxda gacantooda ugu jirto “.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanada Taliban ay qabsadeen shan degmo oo ka tirsan Herat iyaga oo aan wax iska cabin ah la kulmin.

Moscow, oo martigalineysay ergo Taliban ah, ayaa sheegtay in kooxda ay hadda gacanta ku hayaan saddex meelood labo meel soohdinta ay la wadaagaan Tajikistan.

Ruushka ayaa ku booriyay dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan.

Muuqaalo la baahiyay ayaa u muujinaya ciidamada Taalibaan oo calanka Afgaanistaan ka qaadaya saqafka sare xafiiska kastamka xadka.

Taliban ayaa si xawli ah dib ugula wareegeysa dhul badan oo Afghanistan ku yaalla, xilli Mareykanka uu ciidamadiisa kala baxayo dalkaasi.

Saraakiisha Taliban ayaa sheegaya in dagaalyahanadooda ay la wareegeen 85% dhulka Afghanistan – balse ma jirto cid ka madaxbanaan oo sheegashadaai xaqiijin karta.

Qiyaaso kale ayaa muujinaya in dhulka ay ka taliso Taliban uu yahay in ka badan seddex meelood meel ka mid ah 400-ka degmo ee dalkaasi ka kooban yahay.

Ciidamada Mareykanka ayaa toddobaadkii hore ka baxay saldhigga Bagram oo ahaa saldhig muhiim u ahaa howlgalka Mareykanka ee Afqanistaan.

Magaalada Islam Qala waa mid ka mid ah magaalooyiin udub dhaxaadka u ah ganacsiga ee u dhaxeeya Afqanistaan Iran, iyada oo dakhliga bil walba u soo xarooda dowladda uu gaarayo $ 20m (£ 14m).

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post