3546 Views

Xaflad lagu soo dhawaynayay Wasiirka Gaadiidka Cirka & Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya !

Xaflad lagu soo dhawaynayay Wasiirka Gaadiidka Cirka & Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya !
____________________________________________________________________________

Toronto | 15 September 2018 | QOL | Xaflad si wayn loo soo agaasimay ayaa caawa loogu sameeyay Magaalada Toronto ee dalka Canada Wasiirka Gaadiidka Cirka & Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar.Wasiir Oomaar & Wafdi balaaran uu hogaaminayay oo Shir la xisaabtan ah u yimid Magaalada Montreal oo ah Xaruunta hay’adda ICAO(International Civil Aviation Organization) ee saadaasha hawada aduunka, waxa uuna sheegay in howlihii ay u yimaadeen ay guul ugu dhamaadeen, isagoo sidoo kale warbixin naga siiyay xaaladda wadanku ku sugan yahay maanta taasoo uu rajo aad iyo aad u wayn ka muujiyay.

erererer

Waxaa kulankaas wada sheekeeysiga ah ee Jaalliyadda Toronto oo uu Wasiirku ka mid ahaa isagana ku sugnaa Senator Dr. Maxamed Cusmaan Faarax oo isagu hore u joogay magaalada Toronto isagoo sidaa si la mid ah uga xog waramay arimaha Siyaasadda & shaqada balaaran ee hortaala dowladda Soomaaliya.

Waxaa iyana iyagoo ku hadlaya magaca Jaalliyadda Toronto halkaa hadallo Soo dhawayn ah ka jeediyay  Suldaanka Toronto Maxamed Tenis iyo Ciyaaryahankii Caanka ahaa ee Cantar jeenyo oo ku hadlayay magaca bahda Ciyaaraha ee magaalada Toronto.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

13

12

11

 

Xafiiska Qaranimo Toronto

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment