1269 Views

Ciidamada Ethiopia iyo Eritrea oo lagu eedeeyay afduubka 500 oo dhallinyaro ah

Ciidamada Ethiopia iyo Eritrea oo lagu eedeeyay afduubka 500 oo dhallinyaro ah
____________________________________________________________________________

May 29 2021

Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegtey in ay heleen warbixinno sheegaya in boqolaal qof oo da’ yar ah ay askarta Ethiopia iyo kuwa Eritrea ay kala baxeen xeryaha barakacayaasha ee magaalada Shire ee ku taal waqooyiga gobolka Tigray.

Wararka ayaa sheegaya in dhalinyaradan la rabo in si Xoog ah loo askareeyo, taasi oo ka Mamnuc ah Qeynuunka caalamiga ah iyo Xoriyada.

Sidoo kale Wadamada reer Galbeedka gaar ahaan Maraykanka iyo Yurub ayaa labadaasi wadan bilihii la soo dhaafay ku caadinaya in ay joojiyaan xasuuqa ay ka wadaan Gobolka Tigrey, waxaana lagu soo oogay Danbiyo dagaal iyo Xasuuq ay ka geysteen Ciidamada Itobiya Gobolkaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post