1374 Views

Ninkii Muslimiinta ku laayay New Zealand oo dambi lagu waayay

Ninkii Muslimiinta ku laayay New Zealand oo dambi lagu waayay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 15,, 2019  –Maxkamad ku taalla Dalka New Zealand ayaa dib u dhegeystay dacwadda ka dhanka ah Brenton Tarrant, oo saddex bilood ka hor dad ka badan 50 qof ku dilay Masaajiddo ku yaalla Christchurch New Zealand.

Qareenka difaacayay Brenton Tarrant, ayaa sheegay in lagu soo oogay 92 dacwadood oo uu midkood ahaa argagixisanimo, laguna waayay dhamaantood.

Dhegeysiga dacwadda waxaa fadhiyay 80 xubnood oo ah ehelka dadkii uu ku laayay Masaajidda,waxaana Maxkamadda amartay in Ninkan uu ku sii jiro Xabsiga ilaa Bisha August ee sanadkan.

Waxaa kale oo ay sheegtay in 4ta May 2020 si rasmi ah loo dhegeysan doono dacwadda ka dhanka ah eedeysanaha.

Maxkamadda ayaa todobaadkii hore ogolaatay in sawirrada Ninkan la daabici karo markii ay mamnuucday weerarkii kaddib.

Cameron Mander, oo ah Garsooraha Maxkamadda ayaa sheegay in Ninkan la maxkamadeyn karo islamarkaana miirkiisu taam yahay kaddib baaritaan dhanka maskaxda ah oo la mariyay.

Markii uu weerarkaas dhacay Ra’isalwasaaraha New Zealand Jacinda Ardern, ayaa mamnuucday in Ninkaas magaciisa loogu yeero,waxaa ay amartay in argagixiso loogu yeero.

Waxaa ay sidoo kale wax ka beddel ku sameysna nidaamka heysashada hubka gudaha dalkaas ilaa uu Baarlamaanka meel mariyay nidaam cusub oo xaddidaya heysashada hubka daran doorriga u dhaca.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment