972 Views

27-kii ardayda laga afduubay mac’had lagu barto dhirta waqooyiga Nigeria oo la sii daayay.

27-kii ardayda laga afduubay mac’had lagu barto dhirta   waqooyiga Nigeria  oo la sii daayay.
____________________________________________________________________________

May 6,2021

27-kii hartay ardayda laga afduubay mac’had lagu barto dhirta ee ku yaalla gobolka waqooyiga Nigeria dhaca ee gobolka Kaduna, ayaa la sii daayay.

Waxay ka mid ahaayeen 39 arday oo ay bishii March burcad hubeysan ka kaxeysteen qolalka ay ka degganaayeen Iskuulka. Tiro ka mid ah ardaysaasi, ayaa la sii daayay bishii hore.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in ardayda la sii daayay Arbacadii la baari doono caafimaadkooda.

Siideynta ardaydan la afduubtay ayaa timid maalin un kadib markii qoysaskooda oo aad u walaacsan ay dibedbax ka hor dhigeen baarlamaanka Nigeria ee magaalada caasimada ah ee Abuja iyagoo ka dalbanaya maamulka in talaabo dheeri ah la qaado si loo soo badbaadiyo ardayda la afduubay.

12-kii bishi maarso ayay ahayd markii rag hubeysan ay dhowr arday ah ka afduubteen kuleej ku yaalla gobolka waqooyiga Nigeria ku yaalla ee Kaduna.

Maamulka gobolka markaasi sheegay in 180 isugu jira arday iyo shaqaalaha kuleejka ay soo badbaadiyeen ciidamada Nigeria, balse ilaa 30 arday ah weli la la’yahay.

Weriyaha BBC-da Ishaq Khalid ayaa sheegay in weerarkan oo ka dhacay meel aad ugu dhow xero milatari, uu ceeb ku yahay dowladda Nigeria, oo mar walba shacabka u ballan qaadda inay isku dayaso wax ka qabashada ammaan darrada.

Ragga afduubka gesytay ayaa laba bilood haystay ardaydan kuuliyadda sayniska wax ka barta.

Siideyntooda ayaa farxad wax weyn u noqon doonta dhibanayaasha iyo qoysaskooda.

Wadaad caan ah oo islaami ah oo hormuud ka ahaa wada xaajoodyada lala galay burcadda kala duwan ee hubaysan ,Sheikh Ahmad Gumi ayaa BBC-da u sheegay in isaga iyo madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo ay kaalin weyn ka qaaten sii daaynta ardayda.

Ilaa iyo hadda ma cadda in lacag madax furasho la bixiyay iyo in kale.

Balse dowladda federaalka iyo tan gobolka Kaduna labadaba waxay sheegeen inay ka soo horjeedaan wada xaajoodyada lala galo burcadda hubeysan, oo badankood ka faa’iideysta amman darrada, iyagoo lacago madax furasho dalbada kaddib marka ay afduubka geystaan.

Warbixin uu soo saaray maamulka gobolka Kaduna ayaa lagu sheegay in ku dhowaad 3,000 oo qof oo gobolka ku noolaa ay sanadkii la soo dhaafay dileen amaba ay afduub u geysteen burcad dembiilayaal ah

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post