2559 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo shaaciyey sababtii ay u xayireen saraakiishii NISA ee Jubbaland

Madaxweynaha Jubbaland oo shaaciyey sababtii ay u xayireen saraakiishii NISA ee Jubbaland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 15, 2018 –  Waxaa maanta Magaalada Kismaayo oo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose dib ugu laabtay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku maqnaa safar dibada ah.

Madaxweyne Axmed Madoobe markii uu ka degay Kismaayo waxa uu ka hadlay arrinta la xiriirta saraakiishii shalay lagu xiray Garoonka diyaaradaha Kismaayo,kuwaasi oo dowladda Federaalka u magacawday Taliyeyaasha hay’adda Nabadsugida Jubbaland.

Waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya aysan Jubbaland kala tashanin soo Magacaabista Taliyeyaasha,isla markaana sheegay in dowladda ay qeyb ka tahay Amnidaradda ka jirta dalka Soomaaliya waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu madaxda Dowladda ku  eedeeyey in wadatashi la’aanta ay ka hor imaaneyso heshiiskii horay ula saxiixdeen Dowlada federaalka Soomaaliya.

Sikastaba waxaa haatan socda dadaalo lagu xalinaayo khilaafka ka dhashay saraakiishii shalay lagu xiray Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo,kuwaas oo dowladda Soomaaliya u magacaawday Taliyeyaasha Hay’adda Nabadsugida jubbaland.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment