456 Views

Sucuudiga oo sii daayey maxbuuskii ugu da’da yaraa ee dowladda u xirnaa

Sucuudiga oo sii daayey maxbuuskii ugu da’da yaraa ee dowladda u xirnaa
____________________________________________________________________________

Sabti: June 25, 2022

Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay sii daysay maxbuus la xiray isagoo 13 jir ah oo looga shakiyay inuu ku lug lahaa dibad baxyo looga soo horjeedo dowladda.

Murtaja Qureiris ayaa mar wajahayay xukun dil ah, inkastoo ugu dambeyntii lagu xukumay xabsi.

Waxa la qabtay sannadkii 2014-kii, iyadoo ay qayb ka ahayd eedaymo la sheegay inuu ka qayb-qaatay mudaaharaadyadii Gugii Carabta ee 2011-kii.

Mr Qureiris ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa maxbuuskii ugu da’da yaraa ee Sacuudiga u xiran ee loo xiro ku lug lahaanshaha mudaaharaadyo siyaasadeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post