1260 Views

Majaajiliistaha reer Spain Juan Joya Borja, oo qosolkiisa ku faafay caalamka oo geeriyoday isagoo 65 sano jir ah

Majaajiliistaha reer Spain Juan Joya Borja, oo qosolkiisa ku faafay caalamka oo  geeriyoday isagoo 65 sano jir ah
____________________________________________________________________________

 April 30-2021

Majaajiliistaha reer Spain Juan Joya Borja, oo qosolkiisa ku faafay caalamka uuna ku caan baxay ayaa geeriyoday isagoo 65 sano jir ah.

Waxaa sifiican loogu yaqaan naaneyskiisa El Risitas,   ayaa caan ka noqday internetka, Wuxuu ku dhintay   galabnimadii Arbacada Isbitaalka Jaamacadda Virgen de Rocío sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Borja waxaa la dhigey isbitaal arrimo caafimaad sanadkii hore. Bishii Maarso ayaa taageerayaashiisa waxa ay u ururiyeen lacag si uu ugu soo iibsado mootada ku shaqeysa korontada ka dib markii mid ka mid ah lugaha laga jaray.

Majaajiliistaha ayaa markii ugu horreysay caan ka noqday 20 sano ka hor ka dib markii uu ka soo muuqday barnaamijyo telefishan oo uu soo bandhigay Jesús Quintero.

Muuqaalka, oo lagu soo duubay YouTube-ka showgii 2007, Borja ayaa ka sheekeeyay xilli uu ka ahaa shaqaale hotel ku yaal xeebta uuna ka seexday suxuunta taal banaanka habeen balse uu soo toosay iyadoo baddu ay la tagtay saxamadii hal saxan mooyee.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post