522 Views

Israel oo ku dhawaaqday inay soo celinayso xiriirkii diblumaasiyadeed ee kala dhaxeyay Turkiga

Israel oo ku dhawaaqday inay soo celinayso xiriirkii diblumaasiyadeed ee kala dhaxeyay Turkiga
____________________________________________________________________________

Khamiis:AUGUST 18, 2022

Raysal wasaaraha Israel Yair Lapid ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu si buuxda u soo celinayo xiriirkii diblumaasiyadeed ee kala dhaxeyay dalka Turkiga . Mr Lapid ayaa sheegay in tallaabadaani ay soo afjarayso sannooyin xiisado ka dhex jireen lanbada dhinac,isagoo intaa raaciyay in sidoo kale tallaabadaani ay muhiim u tahay xasiloonida gobolka.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu,ayaa dhankiisa xaqiijiyay in labada dal ay is dhaafsan doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan furitaanka safaaradahooda isagoo intaa ku daray in dalkiisu aanu marnaba ka tagi doonin qadiyadda Falastiin.

Turkiga ayaa xiriirka diblumaasiyadeed u jaray Israel sanadkii 2018-kii kadib markii ciidamada Israel daanta galbeed ee Qaza ay ku dileen lixdan qof oo reer Falastiin ah oo ka qayb galayay dibadbax looga soo horjeeday in halkaa Mareykanku ka furto Safaarad.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post