564 Views

Taliyaha AFRICOM oo u sheegay golaha Senete-ka Mareykanka in Halis ka Badan al-shabaab ay keentay Dowlada Somaliya.

Taliyaha  AFRICOM oo  u sheegay golaha Senete-ka Mareykanka in Halis ka Badan al-shabaab ay keentay Dowlada Somaliya.
____________________________________________________________________________

April 23-2021

Taliyaha Milatariga Mareykanka ee taliska AFRICOM General Steph Townsend ayaa u sheegay golaha Senete-ka Mareykanka in welwelka ugu badan ee haatan ka jira Soomaaliya aanu aheyn Al-Shabaab, laakiin uu yahay deganaan la’aanta siyaasadeed ee aan xallin karin caqabadaha.

Caqabadahaas ayuu sheegay kuwa ka dhex aloosan dowladda Federalka iyo maamul goboleedyada ee aan laheyn tanaasulka, kuwaas oo salka ku haya kordhinta muddo xileedka madaxweynaha oo uu ku sheegay inay ka baxsantahay dastuurka Soomaaliya.

Sidoo kale Jeneraalkan ayaa sidoo kale sheegay in go’aanka maamulkii Trump ee ku aadan ka soo saaristii ciimadama Mareykanka ee joogay Soomaaliya uu abuuray caqabado hor leh oo ku aadan la dagaalanka argagixisada Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post