1047 Views

Xildhibaan Jeesow oo weerar culus ku qaaday xukuumadda ROOBLE

Xildhibaan Jeesow oo weerar culus ku qaaday xukuumadda ROOBLE
____________________________________________________________________________

.

Isniin: January 31, 2022

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda Hiiraan ayaa si kulul uga hadlay xaaladda cakiran ee magaaladaasi iyo ciidamada ay dhowaan dowladda federaalka ah ee  Soomaaliya geysay halkaasi.

Jeesow oo u warramay Shabelle TV ayaa ugu horreyn taageeray ciidamada ay dowladdu todobaadkii lasoo dhaafay ku daad gureysay Beledweyne, wuxuun sheegay in ciidankaas ay ku tageen codsi ka yimid HirShabelle, welibana ay ku yaryihiin, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamo ayaa hadda la geeyey Beledweyne, weliba aa nagu filneyn ciidankaas laba qayb ayey isugu jiraan kuwo waa Haramcad oo amniga qaabilsan, kuwana waa Gogor oo loogu tagalay inay la dagaalamaan Al-Shabaab,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Xidlhibaanka oo hadalkiis sii wata ayaa weerarka afka ah ku qaaday golaha wasiirada ee  xukuumadda Soomaaliya , isagaoo uu ku sheegay inay yihiin kuwa ‘xanaaqsan’ oo ka faa’iideysanaya khilaafka taagan iyo xiisadda ka alaalsan magaalada Beledweyne.

 “Waxaan rabnaa in ra’iisul wasaaraha uu kala ilaaliyo wasiirada xanaaqsan ee ka faa’iideystay khilaafka ee khilaafka kusoo galay dowladda iyo riyaalatiga jira ee dhabta ah,” ayuu sii raaciyey Xildhibaan Jeesow.

Ugu dambeyn wuxuu farriin culus u diray ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu ugu baaqay inuu qaato mas’uuliyadda ka saaran doorashada iyo amniga dalka.

 “Mudane ra’iisul wasaare adiga ayaa ah ra’iisul wasaarihii dalka adiga ayey maanta mas’uuliyad kaa saaran tahay dalka, doorashadiisa ha noqoto, amnigiisa ha noqoto, yuusan ku qaldin wasiir xanaaqsan,” ayuu markale yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha Beledweyn oo ay dhowaan ka dhaceyso doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka, waxaana xiisaddu kasii dartay markii ay ciidamo dheeraad ah dowladda Soomaaliya geysay magaaladaasi, kuwaas oo ay ka horyimaadeen siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post