654 Views

Ciidamo aad u hubaysan oo la geeyay caasimadda Suudaan xilli la sheegay inuu afgambi ka socda

Ciidamo aad u hubaysan oo la geeyay caasimadda Suudaan xilli la sheegay inuu afgambi ka socda
____________________________________________________________________________

Isniin: October 25, 2021

Askar aad u hubaysan iyo ciidamo kale oo amni ayaa la geeyay caasimadda Suudaan ee Khartuum, kuwaas oo la sheegay inay xaddidayaan isu socodka dadka rayidka ah ee magaalada.

Wakaalada wararka ee AFP ayaa ku warameysa in askar labisan ay jareen wadooyinka waaweyn ee soo gala caasimadda dalkaas.

Waxay xiisad ka dhex taagneyd militeriga iyo shacabka Suudaanka maadama labada dhinac ay qeyb ka yihiin dowladda kumeel gaarka ah ee la dhisay sanadkii 2019 si dalka loogu jiheeyo doorasho.

Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in dad taageerayo dowladda rayidka ah ay isugu soo baxeen waddooyinka dalkaas halka militeriga ay isku dayayaan inay ka hortaggaan.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa ku warameysa in dibadbaxayaasha ay waddooyinka ku xardheen calan iyo taayiro la gubay iyadoo ay magaalada ka jirto xiisad.

Militariga Suudaan ayaa subaxnimadii Isniinta xiray dhowr mas’uul oo rayid ah oo uu ku jiro mid ka mid ah la -taliyeyaasha Ra’iisul Wasaaraha Cabdalla Hamdok iyo xubin ka tirsan golaha madaxbannaanida dalka.

Guriga Ra’iisul Wasaaraha Suudaan ayaa sidoo kale la sheegay in ciidamadu ay hareereeyeen, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in afgambi uu socdo

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post