966 Views

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta oo tababar loogu soo xiray Dalka Jabuuti

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta oo tababar loogu soo xiray Dalka Jabuuti
____________________________________________________________________________


Khamiis: May 12, 2022

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti, ayaa maanta halkaas tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed, oo noqonaya dufcaddii 16-aad oo tababar heerkeedu sarreeyo ku qaadata dalkaas.

Taliyaha oo khudbad u jeediyey dufcaddan cusub ee Ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed, ayaa kula dardaarmay gudashada wajibka Qaran ee loo tababaray, waxaana tababarka dufcaddani qayb ka yahay, dadaallada dib loogu dhisayo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay u hantaan sugidda amniga dalka iyo ilaalinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabaddii tababarka ciidanka loogu soo xirayay ayay ciidamad ku soo bandhigeen dhoolatus ku saabsan tababarka ay qaateen iyo sida ay u difaaci karaan shacabka Soomaaliyeed.

.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post