843 Views

SAWIRO:-Maamulka G/Banaadir oo Xarumahooda Ganacsi ka burburiyay dad Danyar ah

SAWIRO:-Maamulka G/Banaadir oo Xarumahooda Ganacsi ka burburiyay dad Danyar ah
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 21 2020 – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xalay howlgal waxaa ay ku burburiyeen Goobo ay ku Ganacsanayeen dad rayid ah oo ku yaalla hareeraha laamiga Maka-Almukarama gaar ahaan agagaarka laami yaraha Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Howlgalkaan oo xalay xilli dambe la fuliyay ayaa Sigaar ah waxaa loo beegsaday Miisas ay Haweenka danta yar waxyaabo ay kamid yihiin Hilibka ku iibin jireen si ay ugu maareeyaan Nolosha Qoyskooda. Mas’uuliyiin Heer Gobol iyo Heer degmoo oo ay kamid yihiin Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti, Guddoomiyeyaasha degmooyinka Hodan & Wadajir Saraakiil Ciidan iyo mas’uuliyiin kale ayaa Goobjoog ka ahaa howlgalkaas.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti ayaa Barteeda Facebook soo dhigtay in olole Nadaafadeed ay xalay sameeyeen,hayeeshee Goobaha la burburiyay ayaa waxaa ku Ganacsanayay dad danyar ah oo ka raadinayay nolol maalmeedka qoyskooda.
Qaar kamid ah dadkii lahaa Goobaha la burburiyay oo Risaala la soo xiriiray ayaa waxaa ay sheegeen in, iyada oo aan wax digniin ah la siin si sharci darro ah looga burburiyay Miisas ay Hilibka ku iibin jireen,isla markaana Maamulka Gobolka Banaadir uu ka dambeeyo.

Sawiro laga soo qaaday Goobaha la burburiyay ayaa muujinayay Xubnaha Waaxda Nadaafada Gobolka Banaadir oo Miisaaska oo inta qaarkood la jejebiyay la saaray Gawaarida iska rogaha ama Cara gediska loo yaqaano.

Magaalada Muqdisho wadooyin badan ayaa u xirmay kuna burburay roobkii ka da’ayay Magaalada,waxaana la aamisan san yahay in Maamulka Gobolka Banaadir ay aheyd in uu ku mashquulo nadiifinta wadooyinka ay biyaha xireen si ay dadka u maraan,balse taasi bedelkeeda Goobaha Ganacsi ay burburinayaan.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Howlgalka lagu burburiyay Goobaha Ganacsi.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xalay howlgal waxaa ay ku burburiyeen Goobo ay ku Ganacsanayeen dad rayid ah oo ku yaalla hareeraha laamiga Maka-Almukarama gaar ahaan agagaarka laami yaraha Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Howlgalkaan oo xalay xilli dambe la fuliyay ayaa Sigaar ah waxaa loo beegsaday Miisas ay Haweenka danta yar waxyaabo ay kamid yihiin Hilibka ku iibin jireen si ay ugu maareeyaan Nolosha Qoyskooda.

Mas’uuliyiin Heer Gobol iyo Heer degmoo oo ay kamid yihiin Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti, Guddoomiyeyaasha degmooyinka Hodan & Wadajir Saraakiil Ciidan iyo mas’uuliyiin kale ayaa Goobjoog ka ahaa howlgalkaas.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti ayaa Barteeda Facebook soo dhigtay in olole Nadaafadeed ay xalay sameeyeen,hayeeshee Goobaha la burburiyay ayaa waxaa ku Ganacsanayay dad danyar ah oo ka raadinayay nolol maalmeedka qoyskooda.

Qaar kamid ah dadkii lahaa Goobaha la burburiyay oo Risaala la soo xiriiray ayaa waxaa ay sheegeen in, iyada oo aan wax digniin ah la siin si sharci darro ah looga burburiyay Miisas ay Hilibka ku iibin jireen,isla markaana Maamulka Gobolka Banaadir uu ka dambeeyo.

Sawiro laga soo qaaday Goobaha la burburiyay ayaa muujinayay Xubnaha Waaxda Nadaafada Gobolka Banaadir oo Miisaaska oo inta qaarkood la jejebiyay la saaray Gawaarida iska rogaha ama Cara gediska loo yaqaano.

Magaalada Muqdisho wadooyin badan ayaa u xirmay kuna burburay roobkii ka da’ayay Magaalada,waxaana la aamisan san yahay in Maamulka Gobolka Banaadir ay aheyd in uu ku mashquulo nadiifinta wadooyinka ay biyaha xireen si ay dadka u maraan,balse taasi bedelkeeda Goobaha Ganacsi ay burburinayaan.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Howlgalka lagu burburiyay Goobaha Ganacsi.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment