795 Views

Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif oo deg deg ugu laabanaya Jowhar

Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif oo deg deg ugu laabanaya Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 04, 2020 –Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la filayaa in Maanta ay gaaraan Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.

Wafdiga Sheekh Shariif ayaa sida la sheegay waxaa qeyb ka ah Odayaal iyo waxgarad ka soo  jeeda Gobolka Hiiraan oo uu kamid yahay Taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Ujeedka safarka uu Magaalada Jowhar ku tagayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa lagu sheegay arrimo la xiriira dib u heshiisiin iyo sidii loo xalin lahaa tabashada ay qabaan reer Hiiraan ee ku aadan dhismaha cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Axadii la soo dhaafay waxaa uu tegay Magaalada Jowhar, isaga oo la kulmay Duubbaka Dhaqanka Hir-Shabeelle ee Baarlamaanka soo xulay iyo Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle oo u sharaxan xilka Madaxweynaha maamulkaas, isaga oo ka dalbaday in la hakiyay howlaah doorashooyinka si dib u heshiisiin loogu furo beelaha degan degaannada Hir-Shabeelle.

Safarkaan uu Maanta ku tagayo Magaalada Jowhar Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maanta lagu wado in halkaasi lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo labadiisa kuxigeen.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post