1692 Views

Dawladda Hoose ee Xamar oo joojisay bixinta ruqsadaha Shirkadaha Forex Market Trading

Dawladda Hoose ee Xamar oo joojisay bixinta ruqsadaha Shirkadaha Forex Market Trading
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  February 20, 2020 – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa soo saaray Wareegto lagu mamnuucay bixinta ruqsadaha Shirkadaha ka ganacsada sarifka lacagaha qalaad ee Forex Market Trading.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in isagoo tixraacaya warqaddii horey uga soo baxday Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya ee ku addanayd ruqsad siinta shirkadaha ka shaqeeya sarifka lacagaha qalaad, in la joojiyay bixinta ruqsadihii ay uga howlgalayeen Caasimadda Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa wareegtada ku xusay in ruqsadihii ay horey u bixisay Dawladda Hoose ee Xamar ee la siiyay shirkadaha bixiya adeegga sarifka lacagaha qalaad ee Forex Market Tranding go’aan laga gaari doono.

Mudane Cumar Maxamed Maxamuud ayaa ugu danbeyn tilmaamay in ciddii amarkan jabisa ama u hoggaansami weysa laga qaadi dona tallaabo sharci ah.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment