783 Views

Madaxweyne Museveni oo ku hanjabay in ciidanka kala baxo Soomaaliya khilaafka Farmaajo iyo Rooble kadib

Madaxweyne Museveni oo  ku hanjabay in ciidanka kala baxo Soomaaliya khilaafka Farmaajo iyo Rooble kadib
____________________________________________________________________________

khamiis: September 9, 2021


Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa ku hanjabay in ciidanka ka jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM kala baxo Soomaaliya kadib khilaafka cusub ee soo kala dhax galay Farmaajo iyo Rooble.

Yoweri Museveni, ayaa wareysi uu siiyay Warbaahinta Frace24 ayuu ku shaaciyay in niyad jab kala kulmayo Soomaaliya gaar ahaan khilaafka soo noq noqday ee soo kala dhax galay Madaxda ugu sareysa dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda ayaana cadeeyay in ka daalay murannada siyaasadeed ee aan dhammaadka lahayn ee soo kala dhax gala Madaxda dowlada, waxa uuna ku hanjabay in ciidankiisa nabad ilaalinta u jooga kala baxayo Soomaaliya.

about:blank Dowlada Uganda ayey ka socdaan ciidamada ugu badan ee AMISOM ka jooga Soomaaliya, waxaana Madaxweynaha Uganda marar badan horey u xaliyay khilaafaad soo kala dhax galay Madaxda dalka Soomaaliya ugu sareysa.

Beesha Caalamka iyo wadamada kale ee daneeya Soomaaliya ayaa si weyn uga niyad jabaya xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo khilaafaadka soo noq noqday ee u dhaxeeya madaxda dalka ugu sareysa taa oo saameyn ku yeelaneysa geedi socodka doorashada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post